918 Views

Guddoomiyaha Cusub ee G/Hiiraan oo ku baaqey wada-hadal

Guddoomiyaha Cusub ee G/Hiiraan oo ku baaqey wada-hadal
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 5, 2020 –Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan balse aan weli xilka la wareegin Cali Jeyte Cismaan ayaa Maanta waxaa uu Xarunta Gobolka Kulan kula qaatey Mas’uuliyinta kale ee Maamulka,laamaha Amniga iyo Garsoorka Gobolka Hiiraan.

 

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in uu sii laba jibaari doono howlaha Shaqo ee gobolka Hiiraan,sidoo kalena wax walba uu wada-hadal uu ku dhameyn doono.

 

 

 

“Dagaalkii labaad ee Adduunka wada-hadal ayuu ku dhamaadey,wax inta bilaawdo ee shiddo ah oo socda majiraan,waxaana diyaar u ahey in cid kasta inaan la fariisto waayo daka markey wax ka dhaxeeyaan ayay wax wadaagi karaan nabad darraduna wax kasta ayay saameyn kartaa ayuu yiri”Guddoomiye Jeyte.

 

Waxaa uu sheegay in faham darrada iyo is jiid jiidka siyaasadeed ee ka jira dalka gaar ahaan Gobolka Hiiraan in uu wada-hadal ka galo,isla markaana wax walba uu ku dhameeyo si Bulshada ay nabad ugu noolaato.

 

Hadalka guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan ayaa waaxa uu kusoo aadayaa xilli Guddoomiyihii xilka laga qaadey ee Cali Muxumed Carraale uu sheegay in aan xilka laga qaadi karin,isla markaana weli uu yahay guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment