708 Views

Golaha Shacabka oo kulan yeelanaya & Ajandaha oo la shaaciyay

Golaha Shacabka oo kulan yeelanaya & Ajandaha oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | November16, 2020 –
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maalinta berito ah taariikhduna ku beegan tahay 16/11/2020 inay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada muqdisho ku yeeshaan Kulankooda caadiga ah.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada u diray qoraal lagu ogeeysiinayo in uu jiro kulanka Golaha, iyaga oo laga dalbaday inay soo xaadiraan sidoo kalena waqtiga ilaaliyaan.

Ajandayaasha Kulanka Golaha Shacabka ee Maalinta berito ah ayaa waxaa uu yahay u codeynta Xubnaha Guddiga Adeega garsoorka, u codeynta Xubnaha Guddiga la Dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Nootaayooyinka Soomaaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan waxaa ay ku guda jiraan kal-fadhigii ugu dambeeyay, waxaana horyaalla meel marinta iyo ka doodista ajandayaal dhowr ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post