498 Views

Qarax lala eegtay Mas’uul ka tirsan degmada Wanlaweyn iyo Khasaaro dhimasho ah oo ka dhashay

Qarax lala eegtay Mas’uul ka tirsan degmada Wanlaweyn iyo Khasaaro dhimasho ah oo ka dhashay
____________________________________________________________________________

Arbaco March 30, 2022

Wararka ka imaanaya degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaas qarax miino lagula eegtay xalay Guddoomiye ku-xigeenkii Amniga iyo Siyaasadda ee Degmadaas.

Qaraxa miino ayaa ahaa mid ku aasnaa banaanka hore ee gurigiisa Guddoomiye ku-xigeenka ee Degmada wanlaweyn, waxaana ka dhashay khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Kahor qaraxa inta lala eegan Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degmada wanlaweyn, waxaa la sheegay in ay la socdeen Askari ka tirsanaa ilaaladiisa iyo wiil uu isagu dhalay.

Sida la xaqiijiyay qaraxa Miino waxaa ku dhaawacmay Guddoomiye ku-xigeenkii Amniga iyo Siyaasadda ee Degmada Wanlaweyn Cabdullaahi Cabdulle Xasan (Gaduudow) iyo Askari ilaalo u ahaa, halka uu ku geeryooday qaraxaas wiil uu dhalay Guddoomiye ku-xigeenka.

Dhinaca kale, Maamulka degmada oo war ka hadlay qaraxa lala eegtay Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee degmada Wallaweyn ayaa sheegay Gudoomiye Degmada Wanlaweyn, ayaa sheegay in xaaladda Gudoomiye ku-xigeenka ay tahay mid degan, dhaawaciisana lagula tacaalayo Isbitaalka Guud ee degmadaasi.

“Gaduudow aad ayuu u fiican yahay, wax dhib ah ma qabo, xaaladiisana way degan tahay. Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Ururka 64aad ayaa u gurmaday, haddana Isbitaalka Degmada Wanlaweyn ayuu ku sugan yahay,” ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Wallaweyn ee G/Sh/Hoose Ismaaciil Abuukar Maxamed.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post