747 Views

Ammaanka Madaxweyne Joe Biden ‘oo la adkeynayo’ iyadoo la filayo inuu khudbad jeediyo

Ammaanka Madaxweyne Joe Biden ‘oo la adkeynayo’ iyadoo la filayo inuu khudbad jeediyo
____________________________________________________________________________

Waaxda ammaanka Mareykanka ayaa adkeyneysa ammaanka Joe Biden laga bilaabo maanta, iyadoo loo maleynayo inuu goor dhow ku dhawaaqi doono inuu doorashada ku guuleystay, sida uu qorayo wargeyska Washington Post.

Ammaanka ayaa la sugi doonaa, kaddib markii kooxdiisa ololaha ay ku wargeliyeen waaxda inuu khudbad jeedin doono gelinka hore ee maanta (xilliga Mareykanka).

Haweeney u hadashay waaxdaasi, Catherine Milhoan ayaa diidday inay ka hadasho arrintaas, iyadoo sheegtay inaysan waaxdu wax ammaanka quseeyo kala hadlin saraakiil sare. Kalkaaliyeyaasha Biden sidoo kale kama aysan hadlin arrintaas.

Biden iyo kooxdiisa ololaha waxay ku sugan yihiin xaru ku taalla Wilmington, Delaware.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post