1359 Views

Buuq ka dhashay kalfadhiga Golaha Wakiilada Somaliland

Buuq ka dhashay kalfadhiga Golaha Wakiilada Somaliland
____________________________________________________________________________

Talaado: August 3, 2021

Saaka waxaa fadhigoodii ugu horreeyay yeelanaya golaha wakiilada cusub ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland.

Waxaa si rasmi ah u furmay kulanka iyadoo la lagu dooran doono hoggaanka Golaha Wakiillada ee dhawaantan la soo doortay.

Tartan adag ayay xisbiyada ugu jiraan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen saddexda kursi ee lagu tarmayo ee kala ah guddoomiyaha, guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad.

Buuq iyo fowdo ayaa ka dhashay kulanka kadib markii guddoomiyaha maxkamadda Sare shir guddoominta uu ku wareejiyay Yaasin Xaaji Maxamuud Faratoon oo uu sheegay in uu yahay xubinta ugu da’da weyn Golaha Wakiilada.

Mucaaradka waxay ku doodeen in ninkan shirka guddoominta loo dhiibay uu isaga qudhiisa u tartamayo doorashada guddoonka Golaha Wakiilada.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post