1095 Views

Madaxweynaha Hirshabelle oo xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiriaan magacaabayna guddoomiye cusub

Madaxweynaha Hirshabelle oo xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiriaan magacaabayna guddoomiye cusub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 08,, 2019  –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan u magacaabay Cali Maxamed Caraale, iyadoo uu xilka ka qaaday Yuusuf axmed hagar (Yuusuf Dabageed).

Xilka qaadista guddoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa timid saacado kadib markii uu eedeyn kulul u soo jeediyay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare isagoo ku eedeeyay inuu doonayo in uu lunsado dhaqaalaha laga ururiyo shacabka gobolka Hiiraan.

 

Guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Maamulka gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale ayaa ka mid ahaa musharaxiintii xilka madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabelle.

 

Afhayeenka maamulka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

 

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay madaxtooyada maamulka Hirshabelle Afhayeenka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Cirro ayuu ku aqriyay wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha Hirshabelle oo xilka loogaga qaaday Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo hore sidan oo kale xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan loogaga qaaday.

 

Halkan hoose ka daawo Afhayeenka Hirshabelle oo saxaafada u aqriyay xilka qaadista Yuusuf Dabageed;

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment