234 Views

Xildhibaan Jacfar oo shacabka Wabxa ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan Guryahooda

Xildhibaan Jacfar oo shacabka Wabxa ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan Guryahooda
____________________________________________________________________________

Sabti: NOVEMBER 12, 2022

Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar ayaa ugu baaqay shacabka ka barakacay degaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud in ay dib ugu soo laabtaan guryahooda,maadama Khawaarijta laga xoreeyay lana dareemayo deganaasho iyo nabad.

Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa tilmaamay ineysan ku ekaan doonin deegaanka Wabxo,is lamarkaana ka saarayaan argagixisada meelaha kale ay joogaan.

“Shacabka ha ku soo laabtaan deegaanadooda Khawaarijta waan ka xoreynay meelaha kale oo ay joogaana waan ka saareynaa, guryihiina ku soo laabta, meeshan inaan xoreynayo ayaa u nimid, xil iyo xoolna midna ma soo doonan, khawaarijtana waa laga saaray,”  ayuu yiri Xildhibaan Jacfar oo shir jiraa’id ku qabtay deegaanka Wabxo.

Kamana hari doono ilaa inta qof Soomaali ah dhib ku hayaan, ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaanka oo ka muuqatay farxad ah guulaha laga gaaray dagaaladii ugu dambeeyay Khawaarijta lagula galay gobolka Galguduud.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa deegaano badan ka saaray khawaarijta, kuwaas oo muddo sanado ah shacabka dhibaato xoog badan ku hayay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post