720 Views

Ciidanka NISA gaar ahaan kuwa Duufaan oo Ceelasha Biyaha. Ka soo qabtay Sadax sarkaal shabaab ah

Ciidanka NISA gaar ahaan kuwa Duufaan oo  Ceelasha Biyaha. Ka soo qabtay Sadax sarkaal shabaab ah
____________________________________________________________________________

Isniin: November 15, 2021

Howlgalkii Ciidanka NISA  gaar ahaan kuwa Duufaan ay ka sameeyeen saacadihii la soo dhaafay xaafadaha Howl-wadaag, Yaqshiid iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa waxay soo qabteen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Shabaabka ah ee ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada Duufaan ay gaarayaan ilaa  saddex ruux, waxayna ku sugnaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha oo halbowle u ah shabaab..

Sidoo kale waxay sheegeen in Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA in ay sii wdayaan howlgalada ay sheegeen in ay ku baacsanayaan waxa ay ugu yeereen Nabadiidka.

Howl-galkan ayaa daba socda howl-galo ay labo maalmood ka hor isla ciidamada Duufaan ka fuliyeen xaafada Oodweyne ee degmada Deyniile, taasi oo lagu soo saaray miinooyin la sheegay in Al-Shabaab ay ku aaseen qeybo ka mid ah xaafadaas.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post