4215 Views

Madaxweyne C/ weli Gaas oo tegay Koonfurta Gaalkacyo.

Madaxweyne C/ weli Gaas oo tegay Koonfurta Gaalkacyo.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 5 December 2015: C/wali Maxa’ed Cali Gaas Madaxweynaha Dowladda Puntland, ayaa Saakay Booqasho Taariikhi ah ku tagey Xaafadda Baraxley ee Koonfurta Gaalkacyo.

Booqashadiisa oo ay ku wehliyeen Xubno kamid ah Dowladda Puntland iyo Madaxweyniyaasha Jubbaland & Galmudug ayaa waxay Socon ku dhexmareen Xaafadda Baraxleey, halkaasi oo kamid ah Goobaha Colaadda Gaalkacyo. Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa kamid ah Wafdiga socodka indha-indhaynta ah ku tagey Xaafadda Baraxleey, ee Koonfurta Gaalkacyo.

Madaxda ayaa Kulan Quraac Sharaf ah ku yeesheen Hotel Five Star, iyagoo wadajir ah waxaana Quraacda kadib ay u dhaqaaqeen Bartamaha Gaalkacyo, iyagoo u muujinaya Shacabkooda inay Heshiiyeen oo Wadahadalada mira-dhaleen.

Madaxweyne C/wali Gaas ayaa Qado Sharaf ku casuumay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed Waqooyiga Gaalkacyo isla maanta, taas oo ujeedada tahay in shacabka loo muujiyo in la heshiiyay.

g2

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment