963 Views

Xiisada Gaalkacyo oo Xal Hordhac ah laga gaaray, Ciidanka oo ku Laabtay

Xiisada Gaalkacyo oo Xal Hordhac ah laga gaaray, Ciidanka oo ku Laabtay
____________________________________________________________________________

 


Sabti: March 12, 2022

Heshiis Horudhac ah ayaa Caawa laga gaaray Xiisada ka taagneyd Magaalada Gaalkacyo iyadoo Ciidanka Daraawiishta lagu Galmudug lagu Celiyay Xaruumahooda

Ciidanka ayaa ku sugnaa Xaruunta Madaxtooyada Galmudug oo uu ku sugnaa Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyagoo doonaya in La Xaliyo Tabashada dhanka doorashada.

Nuuca Heshiiska ee la gaaray ayaa ah kuwa Horudhac waxana suura galiyay Odayaasha Galmudug iyo Saraakiisha Ciidanka Galmudug.

Ciidanka ayaa lagu qanciyay inay doorashada u dhaceyso Qaab Xor ah isla markana dhawaan la qabandoono.

Dhanka Madaxweynaha Galmudug ayaana wali war laga helin gaar ahaan inuu aqbalo doorasho xor ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post