444 Views

Dowladda Nigeria oo sheegtay in aysan ogolaan doonin in muwaadiniinteeda la diiwaan geliyo si ay uga dagaalamaan Ukraine

Dowladda Nigeria oo  sheegtay in aysan ogolaan doonin in muwaadiniinteeda la diiwaan geliyo si ay uga dagaalamaan Ukraine
____________________________________________________________________________

Isniin: March 7, 2022

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in aysan ogolaan doonin in muwaadiniinteeda la diiwaan geliyo si ay uga dagaalamaan Ukraine halkaas oo ciidamada Ruushka ay duqaymo ka wadaan magaalooyinka waaweyn.

Arrintan waxay daba socotaa warbixino sheegaya in la qorayo tabaruceyaal reer Nigeria ah si ay uga soo dagaalamaan dalka Ukraine.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Nigeria ayaa sheegtay in safaaradda Ukraine ay beenisay inay wax door ah ku leedahay howsha lagu eedeeyay.

Balse safaaradda ayaa xaqiijisay in tiro ka mid ah dadka Nigeria ay la soo xiriireen taasoo muujineysa inay rabaan inay ku biiraan dagaalka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda.

Safaaradda ayaa sidoo kale iska fogeysay sheegashada ah inay ka codsaneyso $1,000 qof kasta oo Nigeria oo doonaya in uu Ukraine aado si loo siiyo tigidh diyaaradeed iyo dal-kugalka.

Waxay ku soo beegantay maalmo ka dib markii Senegal ay ka digtay iskaa wax u qabso isku qoraya inay la dagaalamaan Ruushka ee Ukraine.

  • Office Nairobi Kenya  
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post