1083 Views

Prof Cabdi Ismaaciil: “Soomaaliya waxaa soo martay 5 sano oo khasaartay.

Prof Cabdi Ismaaciil: “Soomaaliya waxaa soo martay 5 sano oo khasaartay.
____________________________________________________________________________

Talaado: December 28, 2021

Prof Cabdi Ismaaciil Samater oo la hadlay TV-ga Universal ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay in dib u dhigay dalka 5ta sano uu xafiiska joogo.

Samater ayaa sheegay in uu Farmaajo daneynayo sameynta qalalaase ka dhaca Magaalada Muqdisho balse waxa uu soo jeediyay in si garaad ka muuqato loo wajaho kahortagga qorshahaas sida uu hadalka u dhigay.

Boobka Doorashada ayuu sheegay in ujeedka ugu weyn uu u socdo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo yahay si uu markale Xafiiska ugu soo laabto, talada ugu wanaagsan ay la tahay in laga gacmo qabto boobkaas.

“Ninka Madaxweynaha ah awalba ma laheyn garaad weyn, qiimo weyn & farmaso uu ku fahmo qarannimada waxa ay tahay, waxaa lasoo maray 4 sano oo khasaartay waxaana socda sanadkii 5aad” Sidaasi waxaa yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samater.

“Dadka Soomaaliyeed inta badan way daawanayaan 90% waxa ka dhacaya Muqdisho, rejo badan yeelan meyso haddii Dadkaas Soomaaliyeed aanay ka dhiidhin boobka Doorashada waxaana kusoo laaban doona Kooxdaan yar ee sidii kubadda ku cayaaraha” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Prof Samater.

Prof Cabdi Ismaaciil Samater ayaa tallaabooyinka laga filan karo Beesha Caalamka ku tilmaamay in ay ku habboon tahay ficil loo rogo si Maxamed Cabdullaahi Farmaajo toos loogu sheego in uu kasoo baxo Villa Somalia.

Ku daawashada Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee khalalaasaha siyaasadda ayuu ku sheegay in Dalka meel xun uu dhigayo haddii aan gacmaha laga qaban sida uu hadalka u dhigay Prof Cabdi Ismaaciil Samater.

Beesha Caalamka labo ayaa loo kala qaybiyaa mid waa London, Washington, Paris, Berlin, Brussels iyo kuwo kale, tan kale waa shaqaalaha jooga Xalane ee danahooda gaarka ah eeganaya, kuwa ka fogna war weyn kama hayaan, kuwa sugan Muqdisho waxa keliya ay sameyn karaa in ay dhahaan sidii AUN Cabdullaahi ka bax meesha” ayuu yiri Prof Cabdi Ismaaciil Samater.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post