549 Views

Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay safiirka Midowga Yurub.

Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay safiirka Midowga Yurub.
____________________________________________________________________________

Isniin: July 25, 2022

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabilay safiirka midowga Yurub, ee Soomaaliya Tiina Intelmann.

Kulankan oo uu Madaxweynaha Somaliland ku wehelinayay wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka,  Cabdinaasir Cumar Jaamac ayaa waxaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin doorashooyinka, xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee Somaliland iyo midowga Yurub iyo arrimaha geeska Afrika.

safiirka midowga Yurub, ee Soomaaliya Tiina Intelmann ayaa si gaar ah madaxweynaha Soomalind ugala hadashay muranka ka dhashay doorashooyinka maaamulkaasi, maadaama hoggaanka dhaqanka Soomaaliland ay xal u waayeen Khilaafka u dhaxeeya xukuumadda Somaliland iyo xubnaha mucaaradka.

Xog dheraad ah oo ay KNN kulanka ka heshay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Somaliland ay safiirka midowga Yurub, ee Soomaaliya Tiina Intelmann la wadaagay fariin ay ka sido midowga Yurub oo inta badan bixiyo dhaqaalaha Doorashooyinka Somaliland.

Waxa ay xogtu tibaaxeysaa in Madaxweynaha Somaliland ay ka dalbatay in si degdeg ah loo xalliyo khilaafka ka dhashay Arrimaha doorashooyinka, islamarkaana aan waqtihii loogu tala galay dib aysan uga dhicin doorashada Madaxtooyada Soomaaliland.

Kulanka ayaa imaanayo xili maanta musharax xisbiga WADDANI uu ka dhawaajiyay in muuse Biixi uu doonayo in uu dib u dhigo doorashooyinka Somaliland, taasna aysan macquul aheeyn, isagoona ku baqaay banaanbayo xukuumadda Somaliland ka dhan ah

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post