375 Views

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyey deegaano hoos taga degmada Xudur

Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka sameeyey deegaano hoos taga degmada Xudur
____________________________________________________________________________

Arbaco: SEPTEMBER 28, 2022

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya maamulka gobolka Bakool ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka sameeyey deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmada Xudur.

Deegaanada sida gaarka ah howlgalka looga sameeyay oo ciidanka xoogga ay gaareen ayaa waxaa ka mid ah Farag, Wargaloole, Luwaay weyne iyo Huuyaley.

Sidoo kale deegaanadan ay howgallada ka sameyeen ciidanka xoogga waxaa isaga baxay Ururka Al-shabaab.

Maalmahan dambe waxaa gobollada qaar ee dalka ka socda howlgallo Al-shabaab looga xoreenayo deeganada ay ku sugan yihiin kaas oo ay iska kaashanayaan Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.

Masuliyiin katirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamuladda ayaa sidoo kale qeyb ka ah howlagalladan oo hadda si gaar ah uga socda Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur galbeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post