318 Views

Guddoomiye Najax oo ku baaqay in Madaxda KGS & Shacabka u Midoobaan dagaalka Al-Shabaab

Guddoomiye Najax oo ku baaqay in Madaxda KGS & Shacabka u Midoobaan dagaalka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Iyadoo mudooyinkaan dambe degaannada maamul gobaleedyada dalka qaarkood ay ka socdaan dagaalo ka dhan ah Al shabaab ayaa Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax ) waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in dagaal looga soo horjeedo Al-Shabaab laga bilaabo degaanada Konfur galbeed.

Waxa uu sheegay in deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ay qayb kayihiin meelaha ay ku xooganyihiin AliShabaab loona baahanyahay in laga saaro.

Waxa uu ku baaqay in Masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed, Xildhibaanada iyo wasiirada ka soojeeda deegaanadaas ee ku matala Federaalka iyo shacabka in ay iskaashadaan loona Midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Najax ayaa tilmaamay in hadii aan dagaalka hadda labilaabin ay dhibka ku sii jirayaan shacabka marka la xureeyo deegaannada mamulada kale kadib.

Qaar ka mid ah deeganada maamulada Galmudug iyo Hirshabeele ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka socday dagaalo ka dhan ah Al-Shabaab kuwaa ay fulinayaan Ciidamada dowlada , kuwa maamulada iyo Shacab is abaabulay intaba.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post