549 Views

DANJIRE YOONIS “Runtii, farxad bay ii aheyd ka Danjire ahaan in dhammaan madaxdii & Danjirayaashii goobta fadhiyay mid mid ama koox koox ay iigu hambalyeeyeen…”

DANJIRE YOONIS “Runtii, farxad bay ii aheyd ka Danjire ahaan in dhammaan madaxdii & Danjirayaashii goobta fadhiyay mid mid ama koox koox ay iigu hambalyeeyeen…”
____________________________________________________________________________

Sebti, 18 June [Qaranimo Online] Danjiraha Soomaaliya u fadhiya waddamada Benelux & Midowga Yurub Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi [Ooga-cadde] ayaa ka warbixiyay xaflad ka dhacday Aqalka Boqortooyadda “Palais Royal de Bruxxelles” laguna guddoonsiiyay abaalmarin caalami ah Almaas Elman oo ka mid ah howl-wadeenada Xarunta Nabadda & Xuquuqda Aadanaha Elman.

“Xafladdaasi waxaa lagu soo bandhigayay Abaalmarinta [The King Baudouin African Development] oo la siiyo hay’adaha ama shaqsiyaadka loo aqoonsado in ay kaalin weyn ka qaateen horumarinta bulshadooda, waxaanna abaalmarinta 2020-2021 la guddoonsiiyay Hay’adda Soomaaliyeed ee loo yaqaan Xarunta Nabadda & Xuquuqda Aadanaha Elman [Elman Peace and Human Rights Center] kaddib markii hay’addaasi loo aqoonsaday mid door firfircoon kaga jirta horumarinta arrimaha dhalinyarada, saameyn weynna ku yeelatay arrimaha bulshada, sida caddaalada, xoojinta & horumarinta xirfadaha hogaamineed ee haweenka & dhalinyarada Soomaaliyeed” Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi raaciyay in abaalmarintaasi ay wax weyn kaga dhigan tahay hay’adda Elman.

“Xafladda waxaa ka soo qeybgalay boqorka Beljium-ka Philippe & boqorada Mathilda, Madaxda boqortooyada Belgium-ka & dhammaan danjirayaasha fadhigoodu yahay Brussels. Runtii, farxad bay ii aheyd ka Danjire ahaan in dhammaan madaxdii & Danjirayaashii goobta fadhiyay mid mid ama koox koox ay iigu hambalyeeyeen kaalinta ay hay’addan kaga jirto Africa & caalam kaba” Ayuu yiri Danjire Yoonis, waxaanna isaga oo ku hadlaya magaca Dowladda Soomaaliya uu hambalyo hawada u mariyay dhammaan madaxda & howl-wadeenada hay’adda abaalmarinta KBF ee ay ku guuleysteen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post