273 Views

Golaha Wakiilada Somaliland oo daandaansi ku tilmaamay guddigii Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu u magacaabay xaaladda Laascaanood.

Golaha Wakiilada  Somaliland oo daandaansi ku tilmaamay guddigii Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu u magacaabay xaaladda Laascaanood.
____________________________________________________________________________

Sabti: January 7 2023 

Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa tallaabo “daandaansi iyo duullaan lagu soo qaaday qarannimada Somaliland” ku tilmaamay guddigii dhawaan guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu u magacaabay inay warbixin kasoo diyaariyaan xaaladda Laascaanood.

War saxaafadeed kasoo baxay golaha wakiilada ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa lagu sheegay “Warbixin kasta oo kasoo baxda golaha Muqdisho in aysan ku saleysneyn xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Laascaanood”.

Tan iyo markii ay billowdeen xiisadaha ka taagan magaalada Laas-Caanood ee gobolka Sool waxaa isasoo tarayay siyaasiyiinta ka hadlayay rabshadaha ka dhacay halkaas oo ay ilaa hadda ku dhinteen ugu yaraan 20 qof.

Rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Laas-Caanood ee gobolka Sool waxaa ku dhintay ugu yaraan 20 qof.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post