1092 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal

Ra’iisul Wasaare Rooble oo  la kulmay xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal
____________________________________________________________________________

Talaado: September 14, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal ee loo xilsaaray doorashooyinka Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga ayaa Warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha halka ay marayaan howlaha Doorashada, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka jawaabay codsiyo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyay Xubnaha Guddiga sida ay ku wadaan howlaha doorashooyinka socda, waxaana uu kula dardaarmay inay dardar geliyaan doorashooyinka dhiman ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya oo loo xilsaaray qabsoomida doorashooyinka dalka ayaa dhowr sheegtay inay qaban doonto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post