267 Views

Jabuuti oo gargaar Caafimaad u soo direysa dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Jabuuti oo gargaar Caafimaad u soo direysa dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Arbaco: NOVEMBER 2, 2022

Dowladda Jabuuti ayaa maanta lagu wadaa iney magaalada Muqdisho u soo dirto gargaar Caafimaad oo ay uga jawaabeyso codsigii dowladda Soomaaliya ee ku aadana in loo soo gurmado dadka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha dalka Jabuuti Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay ka go’an tahay garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu si deg deg ah ku amray in wasaaradda Caafimaadka dalka Jabuuti kaalmo Caafimaad iyo koox dhaqaatiir ah u dirto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaraxyadii is xigxigay ee ka dhacay Isgoyska Soobe 29-kii bishii Oktober waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof halka ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya 300.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa codsaday in gargaar Caafimaad oo deg deg ah lala soo gaaro dadka Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay qaraxyada Soobe 2 si wax loogu qabto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post