474 Views

Ciidanka Ammaanka Jubbaland oo fashiliyay miino gaari lagu rakibay

Ciidanka Ammaanka Jubbaland oo fashiliyay miino gaari lagu rakibay
____________________________________________________________________________


Talaado: April 5, 2022

Ciidanka Nabad sugidda iyo sirdoonka Jubbaland ayaa maanta fashiliyay miino argagixisada Al-Shabaab gaari ugu xireen mid kamid ah dhallinyarada magaalada Kismaayo.

Ciidammada amaanka Jubbaland ayaa markii ay ku guuleysteen in ay ka furaan miinada gaariga kaddib, u mahadceliyay shacabka reer Kismaayo, gaar ahaan kuwa xaafadda Guulwade sida ay had iyo jeer ula shaqeeyaan ciidammada u taagan ilaalinta nabadgaliyada shacabka.

Ciidanka ayaa sheegay inay joogteynayaan la hortagidda dhaharta ay maleegayaan argagixisada Al-Shabaab, waxaana ciidamada ay u taaganyihiin har iyo habeen difaaca Qaranka iyo ilaalinta hantida shacabka.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post