444 Views

Shir looga hadlaayay Amniga oo lagu qabtay Baardheere.

Shir looga hadlaayay Amniga oo lagu qabtay Baardheere.
____________________________________________________________________________

Talaado: July 19, 2022

Taliyaha Haayada Nabadsugida Gobolka Gedo, Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan Bakaal kooke ayaa kulan la qaatey Maamulka iyo sarakiisha kala duwan ee Ciidamada Baardheere

Kulanka ayaa inta uu socdey waxaa sarakiisha kala duwan looga dhagaystey warbixino la xiriira xaalada amni ee Degmada iyo degaanada hoos yimaado. sidoo kale Maamulka ayaa dhankooda waxay ka hadleen hormarada la taaban karo ee laga fuliyey Magaalada wadashaqeynta buuxdo oo ay leeyihiin bulshada, Abaarta jirta iyo qoysaska tira badan ee soo gaaraya xarooyinka Barakacayaasha oo u baahan gargaar degdeg ah

Taliyaha Haayada Nabad sugida Gobolka Gedo, Bakaal Kooke ayaa Maamulka iyo sarakiisha kaga mahad celiyey sida ay mar walba isugu duuban yihiin, waxaana dhanka kale ciidamada amaanka uu ku amaaney sida ay u fashiliyeen weeraradii maleeshiyada Alshabaab ay ku soo qaadeen ciidamada qalabka sida balse si naf hurnimo ah ay iska difaaceen

Ka dib Taliyaha ayaa kormeeray, Xarunta Maamulka Garoonka Diyaaradaha iyo talisyada ciidamada ay ku leeyihiin Magaalada Baardheere, waxaana laamaha amniga uu farey in ay gutaan waajibka qaran ee ay u dhaarteen, maleeshiyada Alshabaabna laga hor istaago dhaca iyo boobka ay u geysanayaan shacabka Somaliyeed

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post