645 Views

Koox hubeysan oo tobanaan ruux ka afduubatay Nigeria

Koox hubeysan oo tobanaan ruux ka afduubatay Nigeria
____________________________________________________________________________


Khamiis: May 19, 2022

Dabley hubeysan ayaa tobaneeyo qof oo rakaab ah ka afduubtay waddada isku xirta caasimadda Nigeria ee Abuja iyo magaalada waqooyiga ku taalla ee Kaduna.

Goob joogayaal ayaa sheegay in kooxaha afduubka geystay ay wadada xireen, iyagoo ku xayiray tobaneeyo baabuur, rasaas ku furay, tiro kalena afduubtay.

Ciidamada ayaa intaasi kadib ka jawaabay oo dagaal ku qaaday raggii hubaysnaa. Nin safar ah oo ka badbaaday weerarka ayaa sheegay in ilaa 40 qof la afduubtay.

Guddoomiyaha amniga gudaha ee gobolka Kaduna Samuel Aruwan ayaa xaqiijiyay weerarka balse ma uusan xaqiijin karin tirada la afduubtay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post