1224 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Kulamo Ka Wada Magaalada Kismaayo

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Kulamo Ka Wada Magaalada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Kismaayo | QOL | Maarso 12, 2019  –  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa waxa uu kulamo gooni gooni ah la qaatay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Jubbaland.

Kulamadaan ayaa waxaa looga hadlay sidii dowladda dhexe iyo maamulka Jubbaland la isugu soo dhaweeyn lahaa,isla markaana wadashaqeyn buuxa ay u leeyan lahaayeen.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Maanta Magalada Kismaayo kulan gaar ah ay ku yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo hogaamiyaha maamulka jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka dhexeeyay Khilaaf,isla markaana waxaa la filayaa in xal laga gaaro,maadaama Xasan Cali Kheyre halkaasi shalay si weyn loogu soo dhaweeyay.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha inta uu halkaasi ku sugan waxa uu kulamo kale la qaadan doonaa Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland

 

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment