372 Views

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo ka shiray furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka

Guddiga Joogtada Golaha Shacabka oo ka shiray furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Isniin: NOVEMBER 14, 2022


Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka Guddiga Joogtada Golaha Shacabka BJFS ayaa lagu falanqeeyay go’aaminta goobta lagu qabanayo furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka JFS.

Kulankan ayaa maalinta berri ah ee ku beegan 15-ka Nofemebar lagu wadaa inuu furmo.

 Kulanka ayaa daarran anisixinta soo jeedinta Guddiga Joogtada ee buuxinta kuraasta ka bannaanaata Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post