1473 Views

Itoobiya: Ardayda Dowlad Deegaanka Soomaalida oo muddo kaddib imtixaanka dugsiga sare u fadhiistay

Itoobiya: Ardayda Dowlad Deegaanka Soomaalida oo muddo kaddib imtixaanka dugsiga sare u fadhiistay
____________________________________________________________________________

Talaado: November 9, 2021

In ka badan 20,000 oo arday ah ayaa todobaadkan waxa ay u fariisteen imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee Dowlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya, iyadoo ku dhawaad boqolkiiba 70 ay kordheen tirada ardayda imtixaankaas u fariistay.

Dowlad Deegaanka ayaa sheegtay in arrintaasi ay ku timid olole ay qaadeen oo la xiriira waxbarashada, dad badan oo qurbaha ka yimid oo gobolka soo degay iyo tallaabooyin kale.

Dhanka kale waxaa la xayiray baraha ay bulshada ku wada xiriiraan xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in imtixaanka la dusiyay.

Haddaba, maxaa keenay inay kororto tirada ardayda sanadkan u fariisatay imtixaanaadka dugsiyada sare? waxaanu ka wareysanna wasiir ku xigeenka waxbarashada ee deegaanka, Cabduqaadir Maxamed Shukri, oo khadka taleefanka ugu warramay weriyaha BBC-da Fartuun Ismaaciil Axmed.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post