945 Views

Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan iyo wasiirka Xanaanada Xoolaha dalkaasi oo ka wada Hadley arrimo dhowr ah

Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan iyo wasiirka Xanaanada Xoolaha dalkaasi oo ka wada Hadley arrimo dhowr ah
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 10 , 2019 | QOL |   –kulankan oo ka dhacay caasimadda Suudaan ee Khaartuum ayaa u dhexeeyay Safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Amb Maxamed Sheekh Isxaaq oo uu wehliyo u qeybsanaha ganacsiga ee safaaradda iyo Wasiirka wasaaradda  Xanaanada Xoolaha ee wadankaasi Suudaan.

 

Mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay adkeynta xiriir labada Dowladood Soomaaliya iyo Suudaan,gaar ahaan wasaaradaha labada dal ee Xanaanada Xoolaha,sida uu Wakaaladda SONNA uu u sheegay Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq.

 

“Waxaan ka wadahadalnay Horumarinta xiriika labada dal,gaar ahaan labada wasaaradood,Is dhaafsi khibrado, booqashooyin iyo in heshiis is afgarad ah la sameeyo iyo taba baro waana soo dhaweeyeen,wayna balan qaadeen in arrimahaasi aan ka wada shaqeyno”.ayuu yiri danjire Maxamed Sheekh Isxaaq oo Wakaaladda Wararka(SONNA) u waramay.

 

Dhawaan ayuu xafiiska la wareegay danjiraha Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq,wuxuuna dadaal ugu jiraa dardargelinta howlaha diblomaasiyadeed ee horyaal.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment