1182 Views

Shanta dal ee ugu quwadda weyn caalamka oo si wada jir ah isugu raacay in ay ka shaqeeyaan sidi ay u joojin lahaayeen faafista hubka niyukleerka

Shanta dal ee ugu quwadda weyn caalamka oo  si wada jir ah isugu raacay in ay ka shaqeeyaan sidi ay u joojin lahaayeen faafista hubka niyukleerka
____________________________________________________________________________

Talaado: January 4, 2022

Shanta dal ee ugu quwadda weyn dowladaha caalamka ayaa Isniinti si wada jir ah isugu raacay in ay ka shaqeeyaan sidi ay u joojin lahaayeen faafista hubka niyukleerka iyo in laga fogaado colaadda niyukleerka.

Bayaan ay si wada jir ah u soo wada saareen dalalka Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, Faransiiska iyo Ingiriiska, ayay ku sheegeen “In ay si xoog leh u rumeysanyihiin in faafista hubka niyukleerka ay tahay in laga hortago,”

Waxay kaloo sheegeen in dagaal loo adeegsado hub niyukleer ah aanan guul laga gaari doonin isla markaana ay tahay in aananba lagu dagaallamin.

Hadalkaan ayaa yimid, kaddib bilooyin ay kacsaneyd xaaladda xadka Ukraine iyo Ruushka, halkaas oo ay Moscow geeysay tobnaan kun oo ka mid ah ciidankeeda. Sidoo kale xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha ayaa xumaaday sannadihi dhawaa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post