1023 Views

Dowladda Puntland oo soo dhoweysay ku dhowaad 2000 oo qof, oo ay ku jiraan caruur iyo Haween kuwaasi oo lagasoo barakiceyey Laascaanood

Dowladda Puntland oo  soo dhoweysay ku dhowaad 2000 oo qof, oo ay ku jiraan caruur iyo Haween kuwaasi oo lagasoo barakiceyey Laascaanood
____________________________________________________________________________

Talaado: October 5, 2021

Ku-simaha Madaxweynaha dowladda Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa kulan la qaatay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, wuxuuna Madaxweyne Ku-xigeenku ka dhegaystay warbixin ku saabsan dadkii lagasoo barakiciyey magaalada Laascaanood.

Kulanka waxaa kasoo baxay in xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee ku shaqo leh arrimahan, kuwaasi oo kala ah Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Caafimaadka, Qorsheynta iyo Haweenka ay u kuurgalaan xaaladda dadkaasi booqdaan goobaha lagu soo dhoweeyay.

Dowladda Puntland ayaa soo dhoweysay ku dhowaad 2000 oo qof, oo ay ku jiraan caruur iyo Haween kuwaasi oo lagasoo barakiceyey Laascaanood. Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland ayaa faray Wasiirada ku shaqo iyo hay’addaha kale ee dowladda in dadkaasi si dhow looga warhayo xaaladooda, loo gargaaro , ku gudbayana loo fududeeyo safarkooda.

Kulanka waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post