1896 Views

Shacabka Muqdisho oo aad uga carooday kursiga HOP #239# oo dhac muuqda loogy gaystay Wasiirkii hore ee Difaaca Xuseen Carab Ciise

Shacabka Muqdisho oo aad uga carooday kursiga HOP #239# oo dhac muuqda loogy gaystay  Wasiirkii hore ee Difaaca Xuseen  Carab Ciise
____________________________________________________________________________

Jimco:  November 5, 2021


 Xili maalmihii i  la soo dhaafay ay jirtay dood culus oo ka dhalatay kursiga golaha shacabka ee numberkiisu yahay HOP #239 oo ay isku haystaan wasiirkii hore ee Difaaca soomaaliya Xildhibaan Xuseen Carab Ciise iyo Raisal wasaare ku-xigeenka mahdi Guuleed,  ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay aad looga hadal hayaa goobaha ay iskugu yimaadaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Muqdisho sida maqaayadaha iyo goobaha fadhi ku dirirada.

Shacabka Muqdisho ayaa ku tilmaamay Xuseen Carab Ciise halyeey u soo halgamay soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, xiligii lala Dagaalamayay al-shabaab oo uu xiligaas ahaa Wasiirka Difaaca Soomaaliya.

Somalida dagan magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay arimntaas dhac laga soo abaabulay Villa Soomaaliya, maadaama Carab Ciise uu ka mid ahaa Xildhibaanada sida aadka ah uga soo hor jeeda sanadihii la soo dhaafay, qar iska xoornimada Madaxda Villa Soomaaliya.

Dadka indha indheeya arimaha siyaasada ayaa ku tilmaamay hadii kursiga Xildhibaan Xuseen Carab Ciise uu dhaco Mahdi Guuleed, ay la mid tahay in Mar kale Qaranimadii Soomaaliya iyo cadaalad darada ay sii xoogaysanayso taasi oo Macnaheedu yahay in Xalka Soomaaliya uusan wali soo muuqan, maadaama 2021 ay wali jirto cadaalad daro ku xeeran Qaranimada Soomaaliya.

“ Waxaan Oran karaa waa ku Ceeb shacabka Muqdisho iyo kan Somalida in Xuseen carab Ciise oo ka mid ah raga ka soo Jeeda Waqooyiga Soomaaliya, halgana u so galay Midnimada Soomaaliya in kurigiisa lagu dhaco Muqdisho, waxay Qiimo Tiraysaa Qayimka iyo hanaanka Dimuquraadiyada., waxayna dhaawac ku tahay shacabka Muqdisho oo aan ognahay halganka uu u soo galay wasiir carab Ciise Difaaca Soomaaliya gaar ahaan dagaaladii Muqdisho looga saaray Al-shabaab”ayuu yiri faarax axmed oo ka mid ah dhalinyaro iskugu yimid goob Qaxwada lagu cabo oo ku taala Isgoyska KM4 oo ka hadlay xaalada Kursiga la rabo in looga dhaco Xuseen Carab Ciise.

Sidoo kale Guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada Soomaaliya ayaa hakiyey kursiga golaha shacabka ee numberkiisu yahay HOP #239 kaasoo uu ku guuleystey Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Mohamed Guuleed 24 saac kadib markii ay dhacday Doorashada, waxaana la sheegay in Xildhibaan Xuseen Carab Xiise uu Dacad ka gudbiyay waxa uu ugu yeeray malxiis wajiga Daboolan

Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolada Waqooyi, waxa uuna ka mid yahay shaqsiyadka u olo oleeynayay midaynta iyo in aysan kala Go’in Soomaali waxa uuna ka qeyb galay shirar kala Duwan oo looga hadlayay arimaha Soomaaliya gaar ahaan Wada hadaladii u dhaxeeyay Gobolada Waqooyi iyo Koonfureed ama Somali weyn.

La soco warbixinta qeybta kale

Office Nairobi Kenya

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post