939 Views

Maamulka Gobolka Hiiraan oo heshiis dhex dhigay Beelo dagaalamay

Maamulka Gobolka Hiiraan oo heshiis dhex dhigay Beelo dagaalamay
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 15 , 2019 | QOL |   –Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa heshiis dhex dhigay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan.

 

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, mudane, Cali Muxumad Caraale oo la hadlay warbaahinta ayaa beelaha walaalaha ah ee heshiiska la dhex dhigay uga mahadceliyay ogolaashaha in wada hadal wax walba lagu dhameeyo.

 

 

 

Taliyaha guutada 5-aad ee Ciidanka xoogga dalka, Korneyl, Faarax Cali Waasuge ayaa labada beelood faray in ay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara colaad,isagoo xusay in dowladu ay la xisaabtami doonto cidi jebisa amarka maamulka.

 

Dhanka kale odoyaasha labada beelood ee heshiiska gaaray ayaa uga mahadceliyay maamulka gobolka, Saraakiisha ciidamada xoogga iyo Wax garadka gobolka dadaalladii ay ku bixiyeen heshiisiintooda,iyagoo sheegay in ay qaateen amarka maamulku u duldhigay labada beelood.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment