1311 Views

Howlgal ka dhan ah Qaadka Kenya Laga keeno Oo Muqdisho ka biloowday.

Howlgal ka dhan ah Qaadka Kenya Laga keeno Oo Muqdisho ka biloowday.
____________________________________________________________________________

 Arbaco:  December 29, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa sheegay in Qaadka Miiraa ee Kenya laga soo dejiyo dhul xeebeedka Degmada Wadajir.

Cumar waxa uu sheegay in Dowladdu ay mamnuucday qaadka Kenya sidaas awgeed dagaal adag ay la galeyso dadka ka ganacsada iibintiisa maadaama si sharci darro ah loo iibinayo sida uu hadalka u dhigay.

Hay’adaha ammaanka & Maamulka Degmada Wadajir waxa uu ugu hanjabay in tallaabo uu ka qaadayo maamulkiisa haddii ay wax ka qaban waayaan qaadka kasoo dega Xeebta Degmadaas oo loo gudbiyo Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir.

“Dowladda qaadka Kenya way mamnuucday, Wadajir waxaa dhanka Xeebta looga keenaa Qaadkaas oo waxaa lagu dhex iibiyaa Degmada waxaana loo iib geeyaa Degmooyinka kale,  Hay’adaha amniga ee shaqada ku leh way joogaan, haddii kontorobaan lagu iibinayo oo aan dhuumasho ahayn idinkaa iibinaya oo raalli ka ah, maxaad sameyn kartaa qofkii Dowladdaan dhahaa ha diyaarsado wixii uu isaga celin lahaa ayuu yiri Cumar Finish.

Dowladda Federaalka ayaa joojisay in dalka la keeno Qaadka Kenya ee Miiraa oo waxa ay sheegtay in qofkii lagu qabto lagu soo oogayo dacwad ah “Iibinta Kontorobaaan”, taa badelkeed waxaa joogto loo keenaa Qaadka Hareeriga ee Itoobiya.

Office Nairobi Kenya

Madaxweyne hore ee gobolka Oromada Alemayehu Atomsa

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post