1212 Views

Isku Day Afgembi Dhicisoobay oo goordhaw ka dhacay Sudan iyo Dowlada oo ka hadashay

Isku Day Afgembi Dhicisoobay oo goordhaw ka dhacay Sudan iyo Dowlada oo ka hadashay
____________________________________________________________________________

Talaado: September 21, 202

Wararka ka imaanaya magaalada Khartuum ee caasimada dalka Sudan ayaa ku waramaya in goordhaw dalkaasi uu ka dhacay isku day afgembi oo maleegeen koox katirsan milatariga talada dalkaasi haya.

Warbaahinta dalka Sudan ayaa ku warantay in uu dhacay isku day afgembi ay sameeyeen saraakiil katirsan ciidanka milatariga, waxaana la xir xiray qaar badan oo kamid ah sarakaiishii milatariga ee Afgembigaasi ku lugta lahaa.

Afhayeenka Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ugu baaqay shacabka  Reer Sudan  inay isku soo baxaan, si ay u difaacaan dalka kana hortagaan kuwa afgembiga maleegay.

War sidoo kale goordhaw kasoo baxay Golaha haya Talada dalka Sudan ee TSC ayaa lagu sheegay inay fashiliyeen Isku-dayga Afgembiga, isla markaana ay iyaga si buuxda gacanta ugu hayaa Talada dalka.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay isku dayga afgembi ee goordhaw ka dhacay dalka Sudan, walina lama oga halka ay ku dambeeyaan kooxda katirsan milatariga dalka Sudan ee maleegay afgembiga la sheegay in la fashiliyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post