765 Views

Kenya oo markale dooneysa in dib loo dhigo dhagaysiga dacwada badda

Kenya oo markale dooneysa in dib loo dhigo dhagaysiga dacwada badda
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 16 2020–Khilaaf hor leh oo la xiriira dhegeysiga dacwadda badda ee hor taal Maxkamada Caddaalada ee Caalamiga ayaa ka dhex aloonsan Soomaaliya iyo Kenya.

Dokumentiyo ay aragtay BBC oo ay labada dal u direen maxkamada ayaa muujinaya in Kenya ay dooneyso in dib loo dhigo dhegeysiga dacwadda muddo aan cayimneyn.

Dhegeysiga dacwada ayaa loo ballansanaa in dib loo furo horraanta bisha soo socota ee Juun.

“Waxaa u suurtogeli weysay qareenada dowladda Kenya u doodaya inay ku kala xayirmeen deegaano kala duwan sidaa darteedna aysan suurtogal ahayn in bisha June ay dhamaystiraan dukumintigooda.”ayaa lagu yiri dukumintiga ay u gudbisay dowlada Kenya Maxkamada ICJ.

Laakiin dowladda Kenya ayaa ku doodeysa in fayraska Karona uu saameyn ku yeeshay shaqada qareennada ku matalayay dacwadda oo ay sheegtay inay kala xayirmeen.

Waxay Kenya sidoo kale sheegtay in xanuunka safmarka ah uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha dalkeeda iyada uu tilmaamtay in miisaaniyada dowladda dib loogu eegayo si ahmiyad loo siiyo arrimaha deg degga ah ee muhiimka ah sida la dagaalanka xanuunka Fayraska Karona.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment