861 Views

wasaaradda arrimaha dibadda oo si adag u cambaareysay weerar gentaalo ee maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ku qaden Sacuudiga

wasaaradda arrimaha dibadda oo  si adag u cambaareysay weerar gentaalo ee maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ku qaden Sacuudiga
____________________________________________________________________________

Mar: 1/3/2021

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar gentaalo ah oo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta Yemen Axaddii ku qaadeen magaalooyin ka tirsan Sacuudiga.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa gentaalo ballistic ah ku tuureen jihada caasimadda Sacuudiga Carabiya ee Riyadh iyo magaalooyin ka tirsan gobolka Jiizaan oo ay kamid tahay Khamiis Mushayti.

“Soomaaliya waxay u aragtaa in weerarkan uu yahay mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga ah iyo kan bani’aadamnimada isla markaana ah dambi argagixiso oo ka dhan ah meelaha la degan yahay, wuxuuna carqalad ku yahay dadaallada Qaramada Midoobay ku doonayso in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen” ayaa lagu yiri bayaanka soo  baxay wasaaradda.

Dowladda Soomaalia ayaa sidoo kale, sheegtay Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ay xaq u leedahay in ay daafacto dhulkeeda ayna ilaaliso amnigeeda iyo bad-qabka muwaadiniinteeda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post