1113 Views

Barakac ka bilaawdey Magaalada Mandheera

Barakac ka bilaawdey Magaalada Mandheera
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jimco   , March 6 , 2020 —Wararka ka imanaya magaalada Mandheera ee xadka dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegay in dad badan ay halkaas ka barakacayaan, kuwaas oo ka cabsi qaba xiisadda maalmahanba ka taagneyd deegaankaasi.

 

Dadkan aya la sheegay in u qaxayaan deegaannada kale ee hoos taga ismaamulka Mandheera oo ay kamid yihiin Carabiya, Raamu, Takaba, Khalaaliyo iyo dhanka kale ee dalka Itoobiya.

 

 

 

“Sidii aan u joognay ciidan duulaya ayaa ina soo galay, laba ciidan dhexdood ayaa galnay, halkanna waxa xuduud, caruurtii iskuullada aadayay khatar ayay ku jiraan, nafsadeenna khatar ayay ku jirtaa, waan qaxeynaa sababtoo haddii u madfac kugu soo dhaco halkee la aadi,” ayay tiri haweeney kamid ah dadkii maanta ka qaxay Mandheera.

 

Dowladda Kenya ayay sheegtay in aysan waxbadan ka qaban ilaalinta ammaanka magaalada, taasina ay keentay inay u barakacaan deegaannada kale ee Mandheera.

Sidoo kale, Rashiid Isaaq oo kamid ah dadka ka qaxaya magaalada ayaa sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay xuduudka uu khatar badan ku keenay noolashooda, haatanna aysan dooneyn in arrintas oo kale ay la kulmaan.

 

Ciidamo katirsan Jubaland ayay dadka deegaanka sheegeen in ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah Mandheera ee dhanka xuduudka Kenya, inkastoo Jubaland ay arrintaas beenisay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment