642 Views

Wasaaradda Waxbarashada oo ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada sare

Wasaaradda Waxbarashada oo  ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada sare
____________________________________________________________________________

 Talaado: AUGUST 16, 2022

Wasaaradda Waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Dugsiyada sare ee 2021/2022.

Wasaaradda ayaa sheegtay in hhorey loo diiwaan geliyey inay imtixaanka gelayaan 34,469 oo ardayda, balse waxaa u fariisatay 33,468 oo arday, sidaas waxaa uga haray imtixaanka oo aan gelin ama u fariisan 1,001 Arday.

Tirada baastay imtixaanka guud ee shahaadiga ee fasalka 12-aad sanad dugsiyeedkii tegay ayaa ah 32,325 arday oo u dhiganta 97%. Waxaa ku dhacay imtixaanka 1143 arday oo u dhiganta 3%.

1100 ka mid ah ardayda ku dhacday imtixaanka dowladda waxay ku galeen Gobolka Banaadir, halka 43-da kale ay imtixaanka ku galeen gobollada kale ee dalka.

1 – Deegaanada Koonfur Galbeed 24 arday ayaa dhacday.

2 – Galmudug 7 arday ayaa dhacday.

3 – Jubbaland 6 arday ayaa dhacday.

4 – HirShabelle 6 arday ayaa dhacday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post