858 Views

Farmaajo oo Gudoomiye ku xigeeno cusub u Magacaabay gobolka Banaadir

Farmaajo oo Gudoomiye ku xigeeno cusub u Magacaabay gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________


FMuqdisho | QOL | November14, 2020 –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Mudane Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, ahna Kuxigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho, halka Mudane Cali Cabdi Wardheere loo magacaabay Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda.

Madaxweynaha oo sidoo kale tixraacaya, talo soojeedinta Golaha Xukuumadda iyo qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira dardar gelinta howlaha soocelinta bilicda Caasimadda ayaa u magacaabay Mudane Faarax Cabdi Diini Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, halka Mudane Xiireey Axmed Rooble loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey dhammaan masuuliyiintan uu magacaabay in ay degdeg u hirgeliyaan qorshaha hormarineed ee laga sugayo, uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee Gobolka Banaadir si daacadnimo iyo waddaniyad leh, wuxuuna ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilalkan soo hayey wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post