417 Views

Culeysyo kala duwan oo ku soo kordhay xaaladda nolosha iyo ganacsiga ee magaalada Waajid ee gobolka Bakool

Culeysyo kala duwan oo  ku soo kordhay xaaladda nolosha iyo ganacsiga ee magaalada Waajid ee gobolka Bakool
____________________________________________________________________________

Arbaco: March 16, 2022

Culeysyo kala duwan ayaa ku soo kordhay xaaladda nolosha iyo ganacsiga ee magaalada Waajid ee gobolka Bakool iyo hareeraheeda.

Magaaladan ayaa go’doonsan muddo toban sano ah. Ganacsatada ayaa intooda badan iska xiray ganacsiyadii. Gaari dameerradii cuntada iyo alaabada kale ee keeni jiray magaaladana waa lasii xayiray.

Waxaa sidoo kale sare u kacay qiimaha maciishadda, iyadoo ay yar tahay in dadku helaan meel ay wax ka iibsadaan.

Maxamed Xasan Macallin, waa guddoomiyaha ganacsatada ee degmada Waajid, isagoo farta ku fiiqay culeyska uu keenay isbedelka cimilada.

Sidoo kale, wuxuu carabka ku dhuftey iney jiraan in la gubayo raashiinka la keenayey magaalada Waajid, iyadoo dameeraha sida rarka raashiin kana la dilayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post