753 Views

Iran: Waa kee dalka looga baqayo in uu weeraro goobaha nukliyeerka ee Iran?

Iran: Waa kee dalka looga baqayo in uu weeraro goobaha nukliyeerka ee Iran?
____________________________________________________________________________


Arbaco: November 24, 2021

Gacan biyoodka badda cas, ciidamada Israa’iil, Imaaraatka iyo Baxrayn ciidamadooda badda ayaa markii ugu horreysay maalmo ka hor ku celceliyay hawlgallo ammaan oo ay si wadajir ah u fulinayaan maraakiib dagaal oo Maraykanku leeyahay.

Waxa ay daba socotay ciyaar hordhac u ah dagaal oo ka dhacday saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaalla waqooyiga magaalada Eilat ee Israa’iil bishii hore, halkaas oo diyaarado dagaal oo ay dirtay Israa’iil iyo toddoba waddan oo kale ay cirka dhoollutus ku muujiyeen.

Dhoolatusyada noocaan oo kale ah ayaa looga gol leeyahay in digniin adag loo diro Iran, oo dhawaanahan wadday dhoolatus ciidan.

Laakiin waxay ku soo beegmayaan xilli dad badan oo ku sugan Israa’iil ah ay ka walaacsan yihiin in dalkan yar uu dhawaan geli karo go’aan loo arko qar iska tuurnimo oo ah in ay ku dhiirradaan in kaligii uu weerarro siiba hab millatari barnaamijka Nukliyeerka Iran.

Dawladdu waxay u qoondaysay $1.5bn (£1.1bn) si loogu diyaariyo ciidamada qalabka sida ee Israa’iil weerar ay ku qaadaan goobaha Nukliyeerka ee Iran, waxaana jira digniino maalinle ah oo ka imanaya hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo militariga.

Waxaan raadinnay aragtida kormeerayaasha iyo falanqeeyayaasha Iran ee ku saabsan waxa dhici kara.

“Israa’iil wax dan ah uguma jirto dagaal ay la gasho Iran, laakiin ma ogolaan doono in Iran ay hesho hub nukliyeer ah” ayuu BBC-da u sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka Israel. “Marka la eego horumarka Iran ee barnaamijkooda Nukliyeerka, waxaan isku diyaarineynaa dhammaan fursadaha iyo xaaladaha, oo ay ku jiraan awood milatari.”

Hanjabaadahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo wadahadallo u dhexeeya Iran iyo shanta quwadood ee adduunka (oo loogu daray Mareykanka si dadban) oo ku saabsan dib u soo nooleynta heshiiskii Nukliyeerka ee 2015 – oo loo yaqaan Qorshaha Wadajirka ah ee Tallaabo Qaadidda (JCPOA) – ayaa lagu wadaa inay dib uga bilowdaan caasimadda Austria ee Vienna 29ka Nofembar.

JCPOA waxay xaddidaysay dhaqdhaqaaqyada Nukliyeerka Iran, waxayaa dalku uu dib furay tas-hiilaadkeeda kor u qaadista kormeerka si qayb ahaan looga qaado cunaqabataynta caalamiga ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa ka baxay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump 2018, ogolaanshaha Israel.Sida taariikhda wareegga cusub ee wadahadallada la go’aamiyay, Iran waxay ku dhawaaqday inay soo saartay 25kg oo Yuraaniyam ah oo lagu tayeeyay 60% – taas oo wax yar ka hooseeya heerka loo baahan lahaa kolka la samaynayo bamka nukliyeerka – iyo in ka badan 210kg oo la xoojiyey.

Iyadoo Tehran ay sii wado inay ku adkaysato in ujeedadeedu tahay nabad, xitaa khubarada Iran ayaa tilmaamay in tiradan oo kale ee uranium-ka aadka loo xoojiyey ay hore u haysteen oo keliya dowladaha hubka Nukliyeerka ah.

“Iraniyiintu maanta waxay ku dhow yihiin inay abuuraan walxo fiisiyeedka hubka nukliyeerka si ka badan sidii hore,” ayuu yidhi sarkaalka amniga ee Israel. “Xaqiiqadani waxay saameyn weyn oo dhinaca ammaanka ah ku leedahay arrintaasi Dawladda Israa’iil.”

Hay’adda difaaca Israa’iil ayaa ku qiyaastay haddii Iran ay go’aansato inay sidaas samayso, in bishiiba nukliyeer samayn doonaan.

Samaynta hubkan oo kale waxa ay u baahan tahay in la sameeyo madaxyo dagaal oo lagu rakibi karo gantaalaha ballistic-ga ah. Waqtiga ay ku samayn karaans ayaa aad u adag in la xisaabiyo, laakiin khubarada qaar ayaa sheegaya in ay qaadan karto 18 ilaa 24 bilood in heerkaa Iran ku gaadhop.

Israa’iil, oo loo malaynayo inay haysato hubkeeda Nukliyeerka ah, balse ku adkaysata siyaasad rasmi ah oo madmadoow leh oo kaga aaaddan hubkaas, waxay Iiraan u aragtaa khatar jirta; Iran ma aqoonsana dawladda Israa’iil.

Halka Maraykanka iyo dalalka Khaliijka Carabta oo ay Israa’iil xidhiidhkoodi u soo kobcayso ay iyaguna si weyn uga soo horjeedaan in Iran yeelato hub Nukliyeer ah, haddana ma cadda ilaa xadka ay danahooda gaarka ahi ka celinayaan inay gacan ka geystaan iska hor imaad kasta oo milateri.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post