675 Views

Dalka Lebanon waxaa soo food saartay koronta la’aantii ugu xumeyd

Dalka Lebanon waxaa soo food saartay koronta la’aantii ugu xumeyd
____________________________________________________________________________


Sabti: October 9, 2021

Dalka Lebanon waxaa soo food saartay koronta la’aantii ugu xumeyd oo abid soo saarto, taasoo sababtay inuu dalka oo dhan Mugdi oo noqdo.

Mas’uul dowladda Lebnaan ka tirsan ayaa sheegay koronta la’aantani iney ka dhalatay laba xarrumood oo waaweyn korontada laga dhaliyo oo shidaal la’aan sababa la xiriira u xirmay.

Dhaqaalaha dalka Lebnaan ee burburay ayaa shirkadda korontada dalkaasi ku kallifay iney awoodi weydo iney soo iibsato shidaalkii ay u baahneed.

Maalmihi u dambeeyey dalkaasi korontadu waxay ka maqnaaneysay saacada isdabajoog ah oo mararka 24 saac iyo ka badanba ay korotadu maqnaato.

Dadka awoodda dhaqaale ay u saamaxeysana si ay u helaan korontada ay u baahan yihiin waxay maciin badeen matoorro si gaar ah ay iyagu u maamulaan oo ay koronta ka helaan.

.BBC

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post