969 Views

Mid ka mid ah Isbitaalada ugu casrisan Bariga Afrika oo Muqdisho laga hirgeliyey

Mid ka mid ah Isbitaalada ugu casrisan Bariga Afrika oo Muqdisho laga hirgeliyey
____________________________________________________________________________

Khamiis, 28 Janaayo [Qaranimo Online] Magaalada Muqdisho waxaa dhowaan laga hirgeliyey Isbitaalka Takhasusiga ah ee Dalmar (Dalmar Specialist & Teaching Hospital) oo ka mid noqonaya kuwa ugu casrisan geeska Afrika, kaasoo la filayo in dhowaan si rasmi ah xariga looga jaro. 

Isbitaalkan oo ah mid caalami ah oo la heer ah Standard-ka lagu qiimeeyo Isbitaalada dalalka horey u maray ayaa waxaa dhismihiisa ku baxay, Maskax, Maal iyo Juhdi fara badan oo muddo dheer soo socday sida uu sheegay Aasaasaha iyo Maamullaha guud ee Isbitaalka, Prof/Dr. C/risaaq Axmed Dalmar. 

“Isbitaalkan fikradiisa waxay soo socotay muddo shan sano ka badan, taasoo ka dhalatay baahida Caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed oo aan weli si buuxda u daboolmin, taasoo keentay in bukaano kumanaan gaaraya ay dalka dibeda uga baxaan arrimo caafimaad awgood, iyo dhinaca kale Jaamacadaha iyo Kuliyaddaha dalka oo u baahnaa xarun ardaydooda tababar iyo cilmi baaris ay ku sameeyaan. 

Dr. Dalmar ayaa sheegay in saddexdii sano ee la soo dhaafay ay socotay diyaarinta Isbitaalka, dhismihiisa, qalabeyntiisa, isku dubaridkiisa nidaamka iyo siyaasada uu ku shaqeyn lahaa iyo diiwaan gelintiisa intaba, isagoo xusay in shaqada isbitaalku la kowsatay sanadka cusub ee 2021, laguna soo daray Isbitaalkii Indhaha Al-Nuur oo ku yiilay km6. 

“Isbitaalka taqasusga ah ee Dalmar waa isbitaal guud oo loo dhisay isbitaal ahaan, wuxuu ka kooban yahay, qeybaha bukaan socodka, bukaan jiifka, Sheybaarka, Raajada, daweynta iyo qaliinka Indhaha, Sifeynta kelyaha, Caafimaadka iyo qurxinta ilkaha (Dentistry) gargaarka deg deg ah, dhalmada, qeybaha qaliimada, waxaana dhismihiisa loo loo qaabeeyey qaabka caalamiga ah ee loo dhiso Isbitaalada, ma ahan guri la kireeyey oo horey u dhisnaa, bilowgii hore ee aasaaska illaa dhagaxa iyo mutuneelka uu ku dhisan yahay dhamaan waa qaab (Anti-Bacterial) ah oo isbitaalka loogu talo galay, wuxuu leeyahay (Lift) ama Wiish lagu qaadayo bukaanada iyo qalab kale oo casri ah, wuxuu kaloo leeyahay System la geliyo xogta heerarka baaritaan ee uu maro bukaanka ilaa dawadiisa uu ka helo” ayuu sidoo kale intaas ku daray Dr. Dalmar. 

Maamulaha guud ee Isbitaalka, Prof/Dr. C/risaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay iney hadda howlgeliyeen qeybaha Indhaha iyo Caafimaadka ilkaha, ayna dhowaan si rasmi ah u shaqo bilaabi doonto qeybta qaliimada guud ee lagu sameeyo (Laparoscopy), ayna xigi doonaan qeybaha kale. 

Dr. Dalmar ayaa sheegay in Isbitaalkan cusub uu u furan yahay dhamaan bushada Soomaaliyeed isagoo u mahad celiyey dhamaan intii gacanta ka geysatay mudadii lagu jiray dhismihiisa iyo qalabeyntiisa. 

Dr. C/risaaq Axmed Dalmar waa dhaqtar Soomaaliyeed oo ku taqasusay cudurada arraga (Consultant, Ophthalmoligist), wuxuuna shahaadada dhaqtarnimada ka qaatay Jaamacadii hore ee Ummadda, isagoo helay darajo sare oo u suuragelisay in isla kuliyadda ay u qaadato Barre kaaliye muddo lix sanadood ah xiliga burburka ka hor, wuxuuna sidoo kale tababaro badan ku qaatay kuliyadda Caafimaadka, isagoo ka soo shaqeeyey qeybta indhaha ee isbitaalada Digfeer iyo Afgooye. 

Sidoo kale Dr. Dalmar ayaa dagaaladii sokeeye ka dib u wareegay dalka Britain isagoo shahaadada taqasuska ee Masterka ee daweynta iyo qaliinka indhaha ka qaatay Bristol University, sidoo kale waxaa uu ka qaatay Jaamacadda London shahaadada heerka labaad ee Caafimaadka bulshada (Master of Puplic health), wuxuuna shahaadada Phd ee daweynta indhaha iyo maskaxda ku diyaariyey University College London, isbitaalo iyo Jaamacado ku yaalla isla magaalada London ayuuna muddo ka howlgalay. 

Dalal kale oo ku yaalla Afrika iyo Aasiya ayuu ka soo shaqeeyey Dr. C/risaaq Axmed Dalmar, kuwaasoo ay ka mid yihiin Gambia, Ghana, Ethiopia, Tanzania South Africa, Kenya iyo India, isagoo dhinaca kale Koorsooyin waxbarasho ku soo qaatay dalalka Faransiiska, Maraykanka iyo Jarmalka, dalka ayuuna ku soo laabtay sanadkii 2001 isagoo ka hirgeliyay Isbitaalka Indhaha ee Al-Nuur eek a soo hawlgalay degmooyinka Hawl-wadaag, Heliwaa iyo Hodan ee magaaladan Muqdisho. SIdoo kale waxaa uu sannadkii 2005 aasaasay hay’adda samafalka ee Al-Nuur Foundation, oo muddadii shanka iyo toban sano ee ay shaqaynaysay ka hirgelisay hawlo samafal daawayn iyo qalliinka indhaha oo lag la’aan ah gobollo badan oo ka mid ah Soomaaliya, oo ay ka faa’iidaysteen kumanaan bukaan. .Waxaana sanadkii xigay ee 2002-da isaga iyo aqoonyahano kale oo dhaqaatiir u badan ay dhidibada u aaseen Jaamacadda Banaadir oo hirgelisay kulliyaddii u horraysa ee Caafimaadka laga barto Soomalaiya. 

Sanadkii 2012kii ayaa waxaa Dr. C/risaaq Axmed Dalmar loo doortay guddoomiyaha Jaamacada Banaadir oo mudadii uu xilkaas hayey aad u ballaaratay laguna soo kordhiyey kuliyaddo badan iyo qeybta Taqasuska kuwaasoo ay hadda wax ka nartaan kumanaan arday, halka kumanaan kalena ay horey uga qelin jebiyeen. 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post