1911 Views

Dhageyso:-Mas’uuliyiin Booqday Dad Ku Dhaawacmay Dagaalka Kaxandhaale

Dhageyso:-Mas’uuliyiin Booqday Dad Ku Dhaawacmay Dagaalka Kaxandhaale
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 27, 2018 –Mas’uuliyiin uu horkacayo Wasiirka Maaliyadda ee Dowlad goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxa ay booqdeen Isbitalka Magalada Cadaado oo ay ku jiraan dad ku dhaawacmay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Kaxandhaale ee G/Galgaduud.

Mas’uuliyiintaan ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee dadkaasi ay ka jiifaan Isbitaalka si loola socdo xaaladooda Caafimaad.

Wasiirka Maaliyadda ee Dowlad goboleedka Galmudug Siciid Siyaad Shirwac ayaa sheegay in cid walba laga doonayo inay garab taagnaato dowladooda,waxaana uu Shacbaka ka dalbaday inay la Shaqeeyaan dowladda.

Waxa uu sheegay in beelaah ku dagaalamaya deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud ay dhamaantood yihiin Reer Galmudug aadna uga xun yahay,waxaana uu ugu baaqay maleeshiyaadka dagaalamaya inay dagaalka joojiyaan.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment