1299 Views

Horyaalka cusub ee Europa Conference League oo la cayaraari doono goor dhaw

Horyaalka cusub ee Europa Conference League oo la cayaraari doono goor dhaw
____________________________________________________________________________

May 24 2021

Horyaalkan waa mid cusub, waxaa markiisii uggu horeeyey la ciyaari doonaa sanadkan. Waxaa maamulaya xiriirka kubadda cagta ciyaaraha Yurub ee Eufa

Waxaa fursad u helaya kooxaha aan inta badan galin horyaalka European League-ga iyo Champion League-ga. Horyaalkan waxaa ka qeyb galaya kooxaha ku jira kaalinta toddobaad. Sanadkan Ingiriiska waxaa horyaalkan ugga qeyb gali doona kooxda Tottenham.

Isreeb reebka horyaalkan waa laba qeybood, laakiin ciyaaruhu waxey si dhab ah u bilaaban doonaan bisha September ee inagu soo fool leh.

Waxaa marka hore ka qeyb gali doona oo isa soo reeb reebi doona is araga koowaad kooxo gaaraya 184 kooxood, halka marka u danbeysa ay isku soo hari doonaan 32 kooxood.

Kooxahan ayaa loo qeybin doonaan afar qeyb, kooxda qeybahan kaalinta koowaad kusoo baxda, ayaa u gudbi doonta wareega 16-ka, dabadeedna sidaa ayaa lagu aadi doonnaa, wareegga 8-da, wareega 4-ta, illaa iyo ciyaarta kama danbeysta ah, isagoo sii socon doona ilaa iyo sanadkan 2024-ka.

Sky Sport

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post