1851 Views

Madaxweyne Xaaf Oo Sheegay Inuu Weli Jiro Khilaafka U Dhaxeeya Madaxda Galmudug

Madaxweyne Xaaf Oo Sheegay Inuu Weli Jiro Khilaafka U Dhaxeeya Madaxda Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 28ka Ogosto, 2018:-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa hadalkaan waxa uu sheegay xilli shalay uu dib ugu laabtay Magaalada dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay heshiis ku kala saxiixdeen Magalada Muqdisho 13kii Bishii hore laakin heshiiskaas kadib uu qorshuhu ahaa in ay soo wada aadaan Dhuusamareeb balse aysan suurtagelin.

Waxa uu sheegay in weli uu jiro khilaafkaas oo aan la dhameyn balse uu rajeynayo in wixii mad madow ah ee jira xal laga gaari doono.

“Runtii markii aan ka soo laabtay Shirkii Biljamka waxa uu qorshuhu ahaa aniga iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka inaan dhuusamareeb tagno laakin weey suurtageli weysay,sababta ay u suurtageli weysay runtii waa waxyaabo iska jira laakin waa laga guuleysan doona ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

 

Hadalka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku soo aadaya xilli horay dowladda Soomaaliya ay  heshiis kala dhex dhigtay Madaxda iskhilaafsan ee Galmudug,isla markaana Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu bogaadiyey.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment