1698 Views

Mooshinkii xilka qaadista Madaxweyne Farmaajo oo La Sheegay In Uu jabay

Mooshinkii xilka qaadista Madaxweyne Farmaajo oo La Sheegay In Uu  jabay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 11, 2018 —Mooshinkii Hindisaha Xil ka qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee loo gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka 9kii bishan ayaa jabay keddib markii ay caddeymo qoraal ah soo gudbiyeen 14 xildhibaan oo ku saxiixnaa kuwaas oo ku tilmaamay in lagaga been abuurtay.

Xoghayaha Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka Mudane Cabdikariim Xaaji Cabdi Buux ayaa saaka warqad uu u diray Guddoomiyaha iyo labadiisa Ku Xigeen ku xaqiijiyay in tirada rasmiga ah ee soo gudbisay mooshinka uu yahay 78 xildhibaan, sidaas darteedna uusan ahayn mid Golaha la horgeyn karo.

“Mudane Guddoomiye, aniga oo gudanaya waajibkayga ah masuulka maamul ahaan Golaha ugu xilsaaran xaqiijinta dukumintiyada Golaha, tirada qoraallada saxiixyada, soojeedinta naloo soo gudbiyay oo dhammaa 92 (sagaashan iyo labo) haddii laga jaro 14 (afar iyo toban), waxaa kusoo haraya Hindisaha 78 (toddobaatan iyo sided). Haddaba tirada xildhibaannada kusoo haraya Hindisahan ee xaqiiqda ah ma buuxinayo tiradan uu qodobka 92aad, farqada 2aad ee Dastuurka KMG oo sharciyeedu ansax ku noqon karto saddex meelood meel.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Qoraalkaan baahiyay, waxaana ka muuqata in ay soo qoreen labadda Gudoomiye ku xigeen iyo xoghayaha Baarlamaanka,laakiin uusan ogeyn Gudoomiye Mursal oo ay ku socoto.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment