429 Views

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, qaybta 27-aad oo markale saaka aroortii dil toogasho ah ku fulisay askari

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, qaybta 27-aad oo markale saaka aroortii dil toogasho ah ku fulisay askari
____________________________________________________________________________


Talaado: January 11, 2022

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, qaybta 27-aad ayaa markale saaka aroortii dil toogasho ah ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo horay qof shacab ahaa ugu dilay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Askariga la qisaasay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cabduqaadir Faarax Dhaqane, kaas oo dhowaan maxkamaddu ay ku ridday dil toogasho ah oo ugu dambeyn lagu fuliyey.

Maxkamadeynta askariga la toogtay ayaa soo martay heerar kala duwan, waxaana lagu helay inuu si bareer ah u dilay marxuum Mowliid Baashe Cumar oo ahaa shacab.

AUN Mowliid ayaa ahaa Farsamayaqaan sameeya gawaarida, waxaana dilkiisa uu ka dhashay, kadib markii ay is maandhaafeen isaga iyo askariga maanta la toogtay.

Fagaaraha lagu toogtay marxuumka waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada, ehellada marxuumkii horey u dilay, mas’uuliyiin ka mid ah maamulka Gedo.

Sidoo kale xukunka ay saaka fulisay maxkamadda waxaa si aad ah u soo dhoweeyey waalidiinta iyo ehellada marxuum Mowliid Baashe Cumar oo ku sugan Beledxaawo.

Waa dilkii labaad oo ay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida fulisay, waxaana ugu dambeeyey Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan (Dhafoor) oo ahaa askari ka tirsanaa ciidamada dowladda, kaas oo shalay lagu toogtay barxadda degmada Luuq, kadib markii isna lagu helay dil uu u geystay marxuum Sugow Gaarane oo ahaa wade mooto Bajaajle.

Horay Maxkamadda Ciidamada ayaa toogasho ugu fulisay askar ka tirsan ciidanka dowlada, waxaaa ka mid ahaa dilkii lagu fuliyey 22-kii bishii hore December, Dable NISA Maxamed Cali Xuseen oo November 2021-kii Degmada Baladxaawo ku dilay labo wiil oo dhalinyaro ah sidoo kalena ka mid ahaa ciyaartoyda degmadaas isagoo ku dilay garoon Kubada Cagta ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post