921 Views

Feeryahanad Soomaaliyeed oo ka guuleysatay mid Kenyan ah

Feeryahanad Soomaaliyeed oo ka guuleysatay mid Kenyan ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Axad , Feberaayo 23, 2020 —Ramla Cali oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa usoo baxday Rubuc dhamaadka Isreebreebka Feerka Afrika ee loogu soo gudbayo Ciyaaraha Olambikada Adduunka ee magaalada Tokiyo ee Cariga Jabaan, kaasi oo lagu qaban doono sanadkan 2020-ka.

 

Ramla ayaa garaacday Beatrice Akoth oo u dhalatay dalka Kenya, waxayna hadda u baahan tahay inay kulanka soo socda guuleysato, si ay taariikh u sameyso.

 

 

 

Hadii ay guuleysato Ramla Cali kulanka soo socda ayaa waxaa ay noqon doontaa gabadhii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee Feeryahanad ah ee ka qeyb gasha ciyaaraha Olambikada Adduunka.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment