1116 Views

Ciidamada AMISOM oo ilaalada musharaxiinta u diiday iney Hubk la galaan Gudaha garoonka

Ciidamada AMISOM oo ilaalada musharaxiinta u diiday iney Hubk la galaan Gudaha garoonka
____________________________________________________________________________

Muqdisho Qol  March 12  2021

Wararka ka imaanaya garoonka muqdisho ayaa sheegaya in la xaliyay muran kadib amar ay soo rogeen Ciidamada AMISOM ee ilaalada ka ah garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Amisom ayaa  ayaa gudaha garoonka u diiday musharaxiinta iney la galaan ilaaladooda, xilli halkaas laga soo dajinayay meydka marxuum Cali Mahdi Maxamed oo horay madaxweyne uga soo noqday dalka.

Ciidamada AMISOM oo amar ka heystay madaxda dowladda ayaa is hor istaag ku sameeyay musharaxiinta oo ay u diideen iney ilaaladooda la galaan gudaha, taasna waxaa ka dhashay xaalad kacsanaan ah.

Sida aan xogta ku helnay ciidamada ay wateen madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh iyo Shariif Sheikh Axmed ayaa xaalad ka abuuray goobtii, waxeyna diideen in qofna uu galo garoonka, taasna ay abuurtay in ciidamada AMISOM ay qudhooda lasoo baxaan hub culus ilaa xaaladda la dajiyo.

is-mari waaga dhacay oo muddo xaalad kacsanaan ah ka abuuray afaafka hore garoonka diyaaradaha ayaa markii dambe la xaliyay, waxaana ilaalada musharaxiinta mucaaradka ee doonayay iney galaan garoonka loo ogolaaday iney gudbaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post