447 Views

DF Soomaaliya oo maanta dalka keeneysa Dhalinyarro muddo ku xirnaa Liibiya

DF Soomaaliya oo maanta dalka keeneysa Dhalinyarro muddo ku xirnaa Liibiya
____________________________________________________________________________

Talaado: AUGUST 23, 2022

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dib dalka ugu soo celiso Dhalinyaro Soomaaliyeed oo in mudda ah ku silicsanaa xabsiyada dalka Liibiya.

Dowladda ayaa sheegtay dhalinyarrada oo gaaraysa 14 qof ayaa markii hore dalka Liibiya ku galay qaab tahriib ah si ay uga sii gudbaan dalalka Yurub balse waxa gacanta ku dhigay Ciidamada Liibiya.

Sidoo kale, Dowladda ayaa tibaaxday in ay ku guulaysatay in dhalinyaradaas laga soo daayo xabsiyada Liibiya oo ay mudda ku jireen islamarkaana u diyaarisay in dalkooda lagu soo celiyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post