381 Views

Generaal Biixi oo ka hadlay halka ay marayaan howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta

____________________________________________________________________________

Axad: JANUARY 1, 2023

– Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo goob fagaar ah kula hadlayay Cutubyo katirsan ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlgallada ka dhanka ah khawaaarijta ee ka socota dalka.

Taliyaha, ayaa sheegay in meel wanaagsan ay marayaan howlgallaadasi lana sii laba jibbaari doono dagaalka lagula jiro khawaarijta,isagoona tilmaamay in ciidamada lagu soo tababaray Eritrea qeyb ka mid ah dhawaan soo gaareen dalk,a ayna qeyb ka noqon doonnaan howlgallada socda si khawaarijta looga ciribtiro guud ahaan dalka.

”Ciidankii tababarka ku maqnaa Xooggiisu dalka ayuu soo gaaray, dagaalka Khawaarijta ayuu ka qeyb galayaa waxaa la soo baray si cadawga loola dagaalamo wayna idinla howlgalaayaan dhawaan,” ayuu yiri taliye Biixi

Generaal Biixi,ayaa sidoo kale, ciidamada kula dar-daarmay in ay wanaajiyaan hab-dhaqankooda iyo tan bulshada, qof walbana lagu abaal marin doono sida ay uga qeyb qaadato dagaalka dalka looga ciribtirayo  khawaarijta Al-shabaab.

Kooxada khawaarjita ayaa hadda mareysa meeshii ugu dambeysay bur-burkooda kadib markii, dhexdooda katafatay, taas oo muujineyso dhammaadka kooxdan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post